HUFAN | Hordhac Shirkadda

Nagu Saabsan

Hufan Cleaning Service

Hufan Cleaning Service waa shirkad horseed u ah bixinta adeegyo nadaafadeed oo dhamaystiran, casri ah, loona qaabeeyay baahiyaha kala duwan ee qoysaska iyo ganacsiyada Soomaaliyeed. Waxaan u taagannahay inaan beddelno habka nadaafadda, annagoo isku xidhayna shaqaale tababaran, farsamo sare iyo mashiino casri ah.

Qiyamkayaga aasaasiga ah iyo dhismaheenu waxa ay ku salaysan yihiin afar tiir oo udub-dhexaad u ah adeeg kasta oo aan bixino: Amaano iyo Masuuliyad, Qanaacada Macmiilka, Ilaalinta Ballanta iyo Kalsoonida, iyo Mas'uuliyadda Bulshada.

flag

Hadafkayaga

In aan abuurno deegaan nadiif ah, caafimaad leh, bulshadana ka caawiya nolol wanaagsan.

lightbulb

Aragtidayada

Hiraalkayagu waa inaan sannadka 2035 noqonno hoggaanka nadaafadda ee dalka.

handshake

Hawlgalkayaga

Inaan macaamiishayada siino adeeg nadaafadeed oo la isku hallayn karo.

groups

Shaqo Abuur

Tababarka iyo shaqo abuurka dhalinyarada Soomaaliyeed ee dadaalaya.

flag Hadafkayaga

In aan abuurno deegaan nadiif ah, caafimaad leh, bulshadana ka caawiya nolol wanaagsan iyo wax-soo-saar sare.

lightbulb Aragtidayada

Hiraalkayagu waa inaan sannadka 2035 noqonno hoggaanka iyo halbeegga nadaafadda ee Soomaaliya; annaga oo nidaamka Franchise-ka ku gaadhayna gobollada dalka, si aan u abuurno deegaan nadiif ah iyo fursado shaqo oo baahsan.

handshake Hawlgalkayaga

Inaan macaamiishayada siino adeeg nadaafadeed oo la isku hallayn karo, annagoo adeegsanayna qalab casri ah iyo agab saaxiib la ah deegaanka; waxaan mudnaanta siinaynaa qanaacada macmiilka, ilaalinta sirta, iyo bedqabka hantidooda.

Qiyamkayaga Aasaasiga ah

Afar tiir oo udub-dhexaad u ah adeeg kasta oo aan bixino

verified

Amaano iyo Masuuliyad

Amaanadu waa halka ay ka bilaabato shaqadayadu. Waxaan macaamiishayada u dammaanad qaadaynaa ilaalinta sirta, bedqabka hantidooda, iyo masuuliyadda buuxda ee ficil kasta oo ay sameeyaan kooxdayadu. Waxa aanu nahay wehel aad ku kalsoonaan karto.

star

Qanaacada Macmiilka

Shaqadayadu ma dhammaato ilaa uu macmiilku si buuxda u qanco. Haddii aad dareento in adeeggu uusan gaadhin heerka aad filaysay, waxaan diyaar u nahay inaan dib u saxno shaqada si bilaash ah. Qanaacadaada ayaa ah guushayada.

schedule

Ilaalinta Ballanta iyo Kalsoonida

Ballantu waa deyn, oofinteeduna waa waajib. Waxaan macaamiishayada u dammaanad qaadaynaa in shaqada loo qabto sidii lagu ballamay, waqtigii loogu talagalay, iyo heerka tayada ee aan ballan-qaadnay. Hufan dhexdeeda, ballan-qaadkayagu waa hageheena koowaad.

public

Mas'uuliyadda Bulshada

Hufan Cleaning Service ma ahan ganacsi faa'iido kaliya raadinaya, balse waxaan qayb ka nahay dhismaha mustaqbalka dalka. Waxaan diiradda saarnaa inaan tababarno oo aan shaqo u abuurno dhalinyarada Soomaaliyeed, annaga oo barayna xirfado iyo farsamooyin casri ah. Sidoo kale, waxaan dhalinyarada hamiga leh u fududaynaa in ay noqdaan milkiilayaal ganacsi iyagoo adeegsanaya sumadda franchise-ka Hufan.